4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Mooshin ka socday Galmudug oo xal laga gaaray


Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Dr.Maxamed Gacal iyo xildhibaanno kasoo horjeeday oo ka gadoodsanaa mushaar la'aan muddo dhowr bilood ah haaysatay ayaa xalay heshiis ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Labada dhinac ayaa is hor fadhiistay kadib markii uu kulan casho ah u sameeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Daahir Ciid, waxayna dhinacyada is hor fadhiistay ka hadleen waxyaabaha keenay kala aragti duwanaashiyaha sababta u noqday ka shaqeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Xildhibaannada ayaa la sheegay iney soo bandhigeen in muddo dhowr bilood ah uu ka maqanyahay mushaarkii ay lahaayeen, taasi bedalkeedana ay ku andacoodeen in guddoonka Baarlamanka uu u garaabi waayay.

Gabagabadii kulanka ayaa la isla gartay in xal si wada jir ah loo raadiyo, waxaana xalay meesha ka baxay wararkii sheegay inuu socdo mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]