4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2020
Barlamaanka Puntland oo maanta wax iska weydiinaya heshiiska DP-world ee dekeda Bosaso
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah ka doodaya heshiiska shirkadda DP –world kula wareegtay dekeda magaalada Bosaso.

Xildhibaanada barlamaanka ayaa isku raacay in loo yeero wasiirka dekedaha Puntland, si wax looga weydiiyo xaaladda dekeda Bosaso oo aad looga dayrinayo tan iyo markii DP- world ay la wareegtay.

Shirkadda DP-world ayaa saddex sano ka hor la wareegtay maamulka dekeda, kadib markii heshiis soconaya muddo 30 sano oo ku kacaya $360 milyan ay la galeen maamulkii Cabdiweli Gaas.

Barlamaankii hore ee Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey heshiiskaan, inkastoo barlamaanka Soomaaliya ee hadda jira uu kasoo horjeestay heshiiskaas isagoo ku tilmaamay xad gudub.  

Tan iyo waqtigaas kadib, ma jirin wax la taaban karo oo ay shirkadda kusoo kordhisay dekeda Bosaso, waxayna dadku ka cabanayaan in la kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray dadka wax kalasoo dagaya dekeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]