1/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Ilhan Omar oo golaha Congress ugu baaqday inay joojiyaan in Maraykanku dagaal la galo Iran
 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Xildhibaan Ilhan Omar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota, ayaa kasoo horjeesatay in Maraynku dagaal la galo dalka Iiran.

Hadalkeeda ayaa daba socday kadib markii Maraykanku duqayn cirka oo ka dhacday Baqdaad uu ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Ilhan Omar ayaa golaheeda Congress-ka ka dalbatay inay joojiyaan qorshaha Trump uu ku doonayo in dagaal lagu qaado dalka Iran.

"Waxaan u baahanahay cod kasta si kor loogu qaado oo aan ka dalbano in Congress-ka uu ka joojiyo Trump inuu bilaabo musiibo dagaal uu la galo Iran," ayay tidhi Ilhan.

Kadib markii hadalkaan ay kusoo qortay baraheeda internetka sida Facebook iyo Twitterka, waxay jawaabo caro leh kala kulantay dad Ameerikaan ah oo ka xumaaday hadalkeeda.

Qaar ayaa sheegay inay ku farxi lahaayeen in Ilhan Omar laga saaro Maraykanka laguna celiyo Soomaaliya, sidoo kale kuwa ayaa ku eedeeyay inay taageerto arggixisada oo ay neceb tahay Maraykanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/4/2020 3:33 PM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeysay weerarkii cirka ee Mareykanka ku dilay Qassim Soleimani oo reer Iran ah, waxayna caddeysay in uu jabinayo sharciga xuquuqda aadanaha.

1/4/2020 1:19 PM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay saraakiisha howlgalka midowga Africa ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

1/4/2020 11:26 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

1/4/2020 8:48 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 7 Xubnood ah u xil saaray inay kasoo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka.

1/4/2020 5:51 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ku boorisay dhammaan muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan Ciraaq.

1/4/2020 5:30 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Xafiiska Hantidhowraha guud ee Soomaaliya ayaa faafiyay warqad labo todobaad ka hor kasoo baxday oo lagu codsanayay in la hakiyo qarash bixinta Galmudug, taasoo loo diray wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xisaabiyaha guud.

1/4/2020 3:43 AM EST
Sabti,Janaayo,04, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen galinkii danbe ee shalay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya

1/4/2020 12:05 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Khilaaf hor leh ayaa muuqda in uu mar kale harreey-nayo qorshaha dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho.

1/4/2020 12:01 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn Mareykanku ka fuliyay degaanno ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.