4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay guddi doorasho

 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Khilaaf hor leh ayaa muuqda in uu mar kale harreey-nayo qorshaha dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho.

Qoraal ka soo baxay madaxweyne Xaaf ayaa loogu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 11 xubnood oo kuwaa oo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan dhismaha Galmudug –ta cusub, waxaana guddigan marka la eego uu ka hor imanayaa guddigga ay dowladdu magacaawday ee hadda gacanta ku haya dhismaha maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay baalmartay dhamaan heshiisyadii horay looga gaaray, sidaa daraadeed uu dib ula soo laabtay wakaalladii uu markii hore ku wareejiyay Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta.

Guddiga farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay Dhuusa-Mareeb ayaa shalay ku dhawaaqay liiska rasmiga ah 20ka ee Ahlu Sunna ku matalaya Baarlamaanka cusub.

Hasse ahaatee qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda iyo Ahlu Sunna in ay iyagu qeybsadeen xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweyne Xaaf.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]