3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2020
Maraykanka oo muwaadiniintiisa ku sugan Iraq ku booriyay inay si degdeg ah uga baxaan
 

Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa ku boorisay dhammaan muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan Ciraaq.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii Mareykanku duqeyn ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Ciraaq iyo gobolka, Safaaradda Mareykanka waxay ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka inay si degdeg uga baxaan Ciraaq.

"Muwaadiniinta Mareykanka waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan duulimaad uga baxaan Iraq, haddii ay suurto gali weydana waa inay maraan safar dhulka ah oo ay ku tagayaan wadamada kale " ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaarada Maraykanka ee baqdaad.

Iran ayaa wacad ku martay inay qaadidoonto tilaabooyin loogu aargudayo dilkii saraakiisheeda looga dilay gudaha Iraq, waxaana Maraykanku haatan galay feejigaan culus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/4/2020 3:33 PM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeysay weerarkii cirka ee Mareykanka ku dilay Qassim Soleimani oo reer Iran ah, waxayna caddeysay in uu jabinayo sharciga xuquuqda aadanaha.

1/4/2020 1:19 PM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay saraakiisha howlgalka midowga Africa ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

1/4/2020 11:26 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

1/4/2020 8:48 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 7 Xubnood ah u xil saaray inay kasoo talo bixiyaan sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka.

1/4/2020 8:31 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Xildhibaan Ilhan Omar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota, ayaa kasoo horjeesatay in Maraynku dagaal la galo dalka Iiran.

1/4/2020 5:30 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Xafiiska Hantidhowraha guud ee Soomaaliya ayaa faafiyay warqad labo todobaad ka hor kasoo baxday oo lagu codsanayay in la hakiyo qarash bixinta Galmudug, taasoo loo diray wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xisaabiyaha guud.

1/4/2020 3:43 AM EST
Sabti,Janaayo,04, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen galinkii danbe ee shalay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen dowladda Soomaaliya

1/4/2020 12:05 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Khilaaf hor leh ayaa muuqda in uu mar kale harreey-nayo qorshaha dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi doorasho.

1/4/2020 12:01 AM EST
Sabti, Janaayo, 04, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn Mareykanku ka fuliyay degaanno ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.