Dowladda Soomaaliya oo canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul-daruuriga ah

 

Talaado, Abril 14, 2020 (HOL)- Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul daruuriga ah ee dalka soo galaya si uusan sicir barar u dhicin inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19, sida uu sheegay Wasiirka wasaaraddaasi Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle .

newsinsideWasiir Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay si quta-dheer u fahmeyso cawaaqibka dhaqaale xumo ee ka dhalan kara suuq la’aanta haddii dadka ay guryahooda ku xaroodaan si cudurkaan looga adkaado, waxa uuna sheegay in raashiinka qutul-daruuriga ah sida burka, timirta, bariiska iyo saliidda canshuur dhaaf kala duwan loo sameeyay.

Raashiinka sida bariiska iyo timirta ayaa loo sameeyay canshuur-dhaaf boqolkiiba boqol ah  , halka burka iyo saliidda Wasaaraddu u sameeyay canshuur dhaaf boqolkiiba konton ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo galo canshuurta uu yahay waxey ku shaqeyso dowladda, sidaas darteedna ay ku dadaalayaan in shaqaalaha qaranku ay si toos ah u helaan mushaaraadkooda, maadaama hadda ay si toos ah qaar ugu shaqeeyaan guryaha.

Xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, si gaar ah waxa uu u taabtay waddamada Afrika ee xiriirka la leh Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha.

Cabdicasiis Axxmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho