Talaado, Abril 14, 2020 (HOL)- Saraakiil sar sare oo ka tirsan dalka Mareykanka iyo hoggaamiyayaal ka socdaa dhaqdhaqaaqa Daalibaan ee Waddanka Afgaanistaan ayaa waxey kulan yeesheen Magaalada Doha ee Caasimadda Qatar, waxeyna ka wada hadlayaan sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiskii labada dhinac ay gaareen bishii February, sida lagasoo xigtay masuuliyiin daalibaaniyiin ah.
newsinsideSuhail Shaheen oo ah Afhayeenka kooxda daalibaan xafiiskooda siyaasadda ee ku yaalla Doha, Qatar, ayaa qeexay in Wafdiga dhinacooda kulanka ka qeyb-galay uu garwadeen ah ahaa hoggaamiye ku xigeenka kooxdaas Mullah Baradar sidoo kalena ah Madaxa xafiis arrimaha siyaasadda. Dhinaca Ameerikaankana waxa hoggaaminayay madaxa wada hadallada daalibaan u qaabilsan Marykanka Zalmay Khalilzad iyo Janaraal Scott Miller oo taliye u ah Ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan.
Wada-halladaan ayaa waxaa suura-galiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar ahna Wasiirka arrimaha dibadda waddankaasi Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani
Qoraal soo baxay daalibaan oo uu ku saxiixnaa Shaheen ayaa waxaa lagu yiri :-
(Wada-hadalka ayaa ku saabsanaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii horay loo gaaray iyo inaan dib loo dhigin sii deynta maxaabiistii lakala qabsaday).
Qorshaha ayaa waxa uu yahay in la sii daayo ku dhowaad shan kun oo maxaabiis ah oo lakala qabsaday, laakiin waxa uu dib u dhacay in muddo ah fulintiisii kadib markii mar kale labadaan dhinac uu soo kala dhex-galay madmadow.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho