Boqolkiiba 30 dadka Mareykanka waxay aaminsan yihiin in coronavirus lagu sameeyay sheybaar

Talaado, Abil 14, 2020 (HOL) - Ku dhawaad boqolkiiba 30 dadka Mareykanka ayaa rumeysan in coronavirus lagu sameeyay sheybaar. Labo jibaar dadka ugu badan ee aragtidaasi qaba waa dadka jamhuuriga, sida lagu ogaaday xog ururin.

newsinsideIn kasta oo asalka fayraska ay wali baarayaan saynisyahano, khubarada ayaa rumeysan in Covid-19 ay u badan tahay inuu markii ugu horreeyay ka yimid fiidmeerta, ka dibna loo gudbiyo aadanaha iyada oo loo marayo xayawaan dhexdhexaad ah oo aan la garanayn.

Laakiin inkasta oo ay taasi jirto, daraasadda loogu magac daray Pew, waxay ogaatay in ku dhawaad boqolkiiba 30 dadka Mareykanka ah ee qaangaarka ah ay qaateen fikrad gebi ahaanba ka duwan, kana soo horjeedda caddeyntaan.

8,914 ka mid ah dadka waaweyn ee la waraystay, 29 boqolkiiba ayaa sheegay inay rumaysteen in Covid-19 uu run ahaantii abuuray bini-aadam. Halka in kabadan 23 boqolkiiba waxay sheegeen in cudurka dilaaga ah loo abuuray si kas ah.

Ra'yi ururinta ayaa sidoo kale go’aamisay in dad aad u tiro yar ay taageereen aragtida shirqoolka marka loo eego dadka waayeelka ah, iyadoo 35 boqolkiiba dadka da'doodu u dhaxayso 19-29 ay rumeysan yihiin inay run tahay, marka la barbar dhigo kaliya 21 boqolkiiba dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano.

Marka laga soo tago da'da iyo aaminsanaanta siyaasadeed. Boqolkiiba 61 dadka haysta shahaadada koowaad ee jaamacadda waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in fayrasku si dabiici ah loo abuuray, marka la barbardhigo 31 boqolkiiba kuwa haysta diblooma dugsiga sare ama ka yar.

Codbixinta ayaa la qabtay intii u dhaxeysay 11-kii Maarso iyo 16-ka. Waqtigaas, Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu shaaca ka qaaday Covid-19 inuu yahay faafo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online