
newsinsideInta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha.
“Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore.
Ethiopia oo ah meesha uu Qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online