4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Wasiir hore oo ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Soomaaliya dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariisteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Xusseen Ceelaabe Faahiye marka laga soot ago in uu ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda, haddana dhinaca kale waxaa uu ahaa rug cadaa Soomaaliyeed oo muddo dheer ku soo dhax jiray arrimaha siyaasadda gaar ahaan marka la eego siyaasada arrimaha dibedda.

Waxaa uu muddooyinkii ugu danbeeyay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo maanta ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, meel aan ka fogeyn Taallada Daljirka Dahsoon.

Tirada dadka ku dhintay weerarkan Ismiidaaminta ah oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan ka dhaca magaalada ayaa sii kordhaya, waxaana tirada dhimashadu ay hadda kor u sii dhaafeysaa 12 ruux oo isugu jira, saraakiil ciidan, askar ka tirsanaa dowladda iyo dad shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysan weerarkan, iyadoo dhinaca kalana ka tacsiyeeysay geerida dadkii ku dhintay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ku soo aadday xilli ciidanka amniga ay ku jireen feejignaan dheeraad ah, waxaana weerarka uu qeyb ka noqonaya illaa saddex qarax oo Muqdisho ka dhacay inta lagu guda-jiray bishan barakaysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]