4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Kulankii Baarlamaanka oo koram la'aan u baaqday

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–  Kulankii golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday koraam la'aan,sida laga soo xigtay guddoonka.

Fadhiga maanta ayaa qorshuhu ahaa in in Xildhibaannada lagu horkeenno, wax ka beddelka sharciga Iibka Qaranka oo mari lahaa akhrinta koowaad  ayaa u baaqday kooram la'aan.

Guddoonka Golaha Shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii uu kooramka buuxsami waayay ku dhawaaqay in kullanka uu baaqaday.

Dhinaca kale,guddoonka Golaha Shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ku war-galiyay in si kooban loo fasaxay Xildhibaannada , maaddaama lagalayo 10ka dambe ee bisha Ramadaan, waxa uuna Golahu dib u furmi doona marka laga soo laabto toddobaadka iida.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]