4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Qarax ka dhacay Muqdisho

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeryooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax goor dhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho,sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Qaraxaan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay goob ay ciidammada amniga ku baaraan gaadiidka,iyadoo wararka ka imaanaya halka uu qaraxa ka dhacay ay sheegayaan khasaaraha inuu intaas ka badan karo.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo ciidan ka tirsan kuwa amniga ayaa durbadiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, ma jirto cid wali sheegatay mas'uuliyada qaraxaan.

Wuxuu ku soo aadday ,iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu daadiyay magaalada ciidammo badan oo boolis ah, kuwaasi oo baaraya gaadiidka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]