4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo si layaab leh uga hadashay go'aankii lagu celiyay mas'uuliyiinta Soomaaliya

Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Iyadoo ay wali taagantahay doodda la xiriirta sababta ay dowladda Kenya ay dib ugu soo celisay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanno ayaa arrinta si ogaasho la'aan ay isugu muujisay waxaa uga hadashay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

Monica, oo suxufiyiinta kula hadashay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inaysan ka warqabin mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo loo diidday in ay soo galaan dalka Kenya.

"Annagoo dhan waxaan ku safarnaa dal-kugal ama fiiso,haddii aadan wadanin fiiso waa ay adkaaneysaa inaad dal gashid. Laakiin waan la yaabayaa haddii qof sitay fiiso dib loo celiyo." ayay tiri Juma.

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee laga soo celiyay Kenya ayaa qorshuhu ahaa inay ka qeybgalaan shir ka furmayay Nairobi ,iyadoo hadda warka ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda uu u muuqda mid sii xoojinaya go’aanka ay dowlada Kenya ku gaartay in qof aan fiiso waddan ha wato baasaboor diblumaasi ama mid shaqo inuu u galo gudaha dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ma jirto illaa hadda hadal ka soo baxay oo ku aaddan go'aanka ay dowladda Kenya wax uga beddeshay arrimaha socdaalka, xilli markii hore mas'uuliyiinta dowladda laga siin jirey garoonka diyaaradaha ee Nairobi fiisaha dal ku gal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]