4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Odayaal ka cabanaya saami-qeybsiga isbadalka maamul ee dowlad deegaanka Soomaalida

 

Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya  ayaa sheegay in aan la siin saamigii  ay ku lahaayeen isbadalka maamul ee ka dhaqan galay dowlad  deegaanka Soomaalida.

Odayaashan oo qaarkood xiriir la soo sameeyay Hiiraan Online ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamul gobolka Shabeelle iyo hogaanka Nabad-galyada oo bilaabay sida ay hadalka u dhigeen caga-jugleyn iyo xariga lagula kacayo odayaasha ka soo jeeda beesha mar kasta oo ay isku dayaan in ay  ka hadlaan xaqa iyo xuquuqda uga maqan maamulka.

‘’Dhacdadii ugu danbeysay waxaa lagu xir xiray odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka yimid degmada Feer –Feer oo u tagay magaalada Godey in ay ka qeybgalaan kulan ay halkaa ku lahaayeen odayaasha dhaqanka beelaha degga dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya’’ ayuu yiri Cabdi Cabdulle Coloow oo laftirkiisa ka mid ahaa odayaasha la xiray.

Gaar ahaan tallaabadan ayeey ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan guddoomiyaha gobolka Shabeelle Max’ed Aadan Afloow, hoggaanka nabad-galyada gobolka Shabeelle iyo guddoomiyaha degmada Feer-feer oo ay  ay sheegeen in ay ka danbeeyeen xariga odayaasha.

Odayaashan ayaa ka dalbanaya maamulka sare ee dowlad deegaanka gaar ahaan madaxweyne Mustafe Maxamuud Cagjar oo ay ka dalbadeen in uu hoos u eego cadaallad darrada lagu hayo beesha.

Maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka soconayay kulamo iyo shirar isugu jiray kuwo dib –u-heshiisiinneed iyo sidii ay bulshada qeyb uga noqon laheyd isbadalka ka jira deegaanka, waxaana ugu danbeeyay kulankii ka dhacay magaalada Godey ee gobolka Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]