Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ,Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.
newsinsideMadaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga billaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan OnlinenewsinsideMadaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga billaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.
[email protected]






