4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Madaxweynaha Jabuuti oo booqanaya Muqdisho

Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle  ayaa lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Booqashada madaxweyne Geelle, ayaa la sheegay inay la xiriirto sidii uu xarigga uga jari lahaa safaaradda cusub ee dalka Jabuuti uu ka dhistay caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti inta uu ku suganyahay Muqdisho waxaa uu kula la qaaddan doona madaxda sare ee dowladda federaalka oo uu ugu horreyo madaxweyne Farmaajo.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimaha ka jira Gobolka Geeska Afrika,iyadoo kullanka uu noqonaya midkii labaad muddo labo bilood gudaheed ah,kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi uu booqasho ku tagay dalka Jabuuti bishii hore ee feberaayo.

Amniga caasimadda Muqdisho ayaa la adkeeyay,iyadoo ciidan dheeraad ah lagu arkay waddooyinka badan oo halbowle ,kuwaaso inta badan loo diidday inay adeegsadaan gaadiidka.

Wararka la xiriira booqashada madaxweynaha Jabuuti ee Soomaaliya ayaa inta ku daray in madaxweyne Geelle uu booqanayo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ,halkaa oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ciidanka Jabuuti,kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad sugidda Soomaaliya ee AMISOM.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]