3/19/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2019
Ciyaartoyda Soomaaliya oo Billado dahab ah kasoo hoyiyay tartanka ciyaaraha fudud ee ka socda Jabuuti


Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Ciyaaryahannada xulka qaranka cayaaraha fudud ayaa guul taariikhi ah usoo hoyiyay Soomaaliya,iyagoo ku guuleystay biladdo dahah ah tartanka cayaaraha fudud ee ka socda dalka Jabuuti.

Tartanka cayaaraha fudud ee Djibouti International Meeting , waxaa Soomaaliya uga qaybgalay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed,Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.

Halkan ka aqriso tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen.

1- Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kaddib markii uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

2- Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kaddib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.

3- Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa  bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraad kaddib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda  maarta   hanto.

4-  Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da'yarta orodka 800 ku tartamayay  ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.

5- Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka    qaybtiisa  1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd daacad wanaagsan.

Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.Cayaartoyda Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tabbabar oo gudaha dalka waxaa  sannadkii 2017kii ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tabbabar ku qaadanayeen muddo sannad ah , waxaana kaddib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Itoobiya si ay tababarro heerkoodu sarreeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]





Click here
3/16/2019 2:08 PM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa maanta warbaahinta u sheegay sanadkan doorasho ka dhici doonin Galmudug, hasse ahaatee doorashada la qaban doono sida uu hadalka u dhigay saddex sano kaddib.

3/16/2019 10:55 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daah-furtay maanta adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad - Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud horay u soo bandhigtay, adeeggan Internet-ka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaaga gacanta adiga oo Isticmaalaya Data-da Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxaa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga.

3/16/2019 9:39 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in aan la siin saamigii ay ku lahaayeen isbadalka maamul ee ka dhaqan galay dowlad deegaanka Soomaalida.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 4:48 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow soo gaaray caasimadda Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3/16/2019 4:06 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda xukuumadda cusub ee Puntland ayaa booqashadii ugu horreysay ku gaaray degmada Galdogob iyo deegaannada ku dhow,iyagoo u koorgalaya xaaladda deegaannada.

3/16/2019 3:52 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda New Zealand ayaa maxkamad soo taagtay ninka fuliyay toogashadii ka dhacday magaalada Christchurch oo ay ku geeryoodeen 49 qof oo muslimiin ah,kaddib labo weerarar oo jimcihii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

3/16/2019 3:34 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee Danad iyo ciidan Marekan ah ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 22 dagaallame oo ka tirsan al-Shabaab, sida laga soo xigtay saraakiisha.

3/16/2019 3:16 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa weerarradii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ku tilmaamtay fal argagixiso oo naxdin leh,iyadoo warsxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay New Zealand inay sameyso baaritaanno la xiriira weerarrada.

3/16/2019 3:04 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.