4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Degmada Buula-burte oo laga bilaabay bixinta Baasaboorka Soomaali-ga

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo markii ugu horeysay ka hergalisay degmada Buula-burte xarun cusub ayaa laga bilaabay bixinta Basaboorka Soomaaliga oo markii hore dadka degmada u aadi jireen magaalada Muqdisho.

Dadkii Baasaboorada loo sameeyay ayaa soo dhaweeyay furitaanka iyo shaqada Xafiiska iyagoo sheegay in ay dhibaato badan u qabeen hiltaanka Baasboorka meesha ugu dhow oo ay adeeg ka heli kareen ayaa ah Magaalada Baledweyne oo 115 km u jirta.

Duqa degmada Bula-burte Maxamed Axmed Rooble ( Juray ) ayaa sheegay in manta ay tahay maalintii ugu horeysay taariikhda Bula-burte oo laga furo xafiis ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada iyadoo Bula-burte ay tahay magaaloyinkii ugu horeyay ee xiligii Gumeysiga degmo loo aqoonsado.

Agaasimaha Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyada ee maamulka Hirshabelle Ibraahim Xuseen Yuusuf ( Sheelare ) ayaa sheegay in qorshaha Hay’adda uu yahay in dhamaan degaanada Hirshabelle laga Hirgaliyo Xafiisyo ay leedahay hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyada Somaliya

Furitaanka xafiiska hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay ka furtay degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu imanaya xili wali ay degmadu ku jirto go’doon kaddib markii ay fariisimo ka dhigteen Al-shabaab jidadka muhiimka ah ee laga soo gallo degmda, hasse ahaa waxaa shaqeynaya garoonka degmda oo ay diyaaraduhu si toos ah uga degaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]