9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweyne Paul Kagame

 

Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Africa (AMISOM).

Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo maalin ka hor gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha isla shalay uu dib ugu soo laabtay dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/26/2018 12:47 PM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo markii ugu horeysay ka hergalisay degmada Buula-burte xarun cusub ayaa laga bilaabay bixinta Basaboorka Soomaaliga oo markii hore dadka degmada u aadi jireen magaalada Muqdisho.

6/26/2018 8:28 AM EST
Talaado, June, 26, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed sanad guuradii 58 aad ee ka soo wareegatay maalintii ugu horreeysay ee calanka laga taagay dhul Soomaaliyeed.

6/26/2018 8:05 AM EST
Talaado, June, 26, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wufuud ka socota Eritrea ay goor-dhaw ka dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ee Bole halkaas oo u ku soo dhaweeyay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

6/26/2018 5:09 AM EST
Talaado, June, 26, 2018 (HOL)-Urur gobolleedka IGAD ayaa qoraal shalay ka soo baxay xilkii uu ka hayay Ururka ka ceyriyay Col Gabre oo ahaa la taliye sare oo dhinaca siyaasada ah, dhinaca kalana ahaa sarkaal saameyn weyn ku dhax lahaa siyaasada Soomaaliya.

6/26/2018 3:29 AM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu qancinayo shacabka Somalialnd.

6/26/2018 12:50 AM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah ku dileen meel aan ka fogeyn goobtiisa ganacsi deegaan ku dhaw magaalada Derban ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sheekh Xusseen.

6/26/2018 12:39 AM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay 26 Jun oo beegneyd markii ay gobollada Waqooyi ka xuroobeen gumeystihii Ingariiska, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya.

6/26/2018 12:19 AM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)- Itoobiya ayaa sheegtay in wafti ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay toddobaadkan magaalada Addis Ababa u iman doonaan wada-hadallo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.

6/26/2018 12:02 AM EST
Talaado, June, 26. 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.