Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka hadlay xeerka Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Wasiirka
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga
gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhawaan loo sameeyay Hay’ad
Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam
iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu
yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu
wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala
ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya
bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran.
Wuxuu xusay inuu ku
faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu
la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan
ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo
lagu xushay.
Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir
ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan
ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in
loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.
Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa
Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo
muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in
sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta
sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.
Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya
nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee
Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in
khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo
xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse
isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay
ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa
xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.
Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka
Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka
dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan
ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel
eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo.
Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%,
waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,”
ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka
Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda
dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan
leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo
Hay’adda.”
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]