Maamul Cusub oo loo soo magacaabay Telefishinka RTN


Khamiis, May, 24, 2018 (HOL) - Madaxda sarre ee Warbaahinta RTN ayaa isbedel dhanka Maamulka ku sameeyey warbaahinta RTN ee xaruntiisu tahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuuliyiinta cusub ee RTN ayaa kala Ah Wariye Ibrahim Cumar Baafo, Wariye Maxamed Yuusuf Axmed & Wariye Cabdirizaaq Maxamuud Xaaji ( Socoto )

Waxana masuuliyiintaan cusub ay yihiin shaqsiyaad ka dhex muuqday warbaahinta Soomaaliya  islamarkaana horey uga soo shaqeeyeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta

Maamulkan cusub ee telefishinka RTN oo wareysi kooban siiyey HOL ayeey ku sheegeen iney isbedel ballaaran lagu sameyndoono TVga iyagoo sheegay in ay qorsheynayaa in xarumo waaweyn ku yeelandoono dhammaan deeganada Soomaalida degto ee adduunka.

Telefesinka Rajo Televison Network (RTN) ayaa wuxuu si toos ah hawada usoo galay dabayaaqadii sanadkii 2016, wuxuuna ka mid noqday telefeshinada caalamiga ee ku hadla afka-Soomaaliga.

Waxaa dalkan Kenya sidoo kale ka howl-gala Telefeshinka STN (Star Television Network) oo isna si toos ah hawada u soo galay bishii May ee 2016.