Maxkamada ciidamada oo dhageysatay dacwad ka dhan ah raggii weeraray Hotelka Naaso Hablood 2

 

Khamiis, May, 24, 2018 (HOL) – Maxkamdeynta iyo dhageysiga dacwada ka dhan ah raggii ka geystay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba 28 October 2017 ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Ragga maxkamada ka soo hor muuqday ayaa kala ahaa:- Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo kadib 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayeey ku qirteen in ay ka danbeeyeen weerarka, waxaaa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareennada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markhaatiyaal ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha iyo shacab kale.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]