Khamiis, May, 24, 2018 (HOL) –Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadka ay saameyeen fatahaadihii is xig xigay ee dhawaan ku dhuftay magaalada Beledweyne ayaa deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Birmingham ee dalka Britain waxaa la gaarsiiyay ku dhawaad 200 Qoys.
Lacagtan oo guud ahaan cadadkeedu gaaraya 10,000 oo dollar ayaa ka timid Jaaliyada Birmigham ee dalka UK, iyaga oo ugu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen daadadka ku dhuftay magaalada Beledweyne.
Bixinta ama qeybitan lacagta ayaa loo soo wakiishay guddiga masjidka Bardaha ee magaalada Beledweyne oo Hiiraan Online u sheegay in qoyskiiba la siiyay lacag dhan $50 dollar si ay uga faa’ideystaan bisha Ramadaan.
Maxmed Macalin Suldaan oo ka mid ahaa guddiggii loo soo wakiishay qeybinta lacagtan ayaa u mahad celiyay Jaaliyada.
Sidoo kale waxaa dhinacooda ka mahad celiyay kaalmada la soo gaarsiiyay dadkii lacagan loo qeybiyay oo intooda badan ahaa qoysaskii ku haran fatahaada ee aan guryahooda ka bixin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]




