Dagaal culus oo Waabarigii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Tuka-raq

 

Khamiis, May, 24, 2018 (HOL) -Dagaal culus oo leysku adeegsanayo hubka waaweyn ee madaafiicda iyo kuwa lidka diyaaradaha ayaa mar kale goor dhaw ka qarxay deegaanka Tuka Raq ee gobolka Sool.

Sida HOL u xaqiijiyeen dad ku dhowdhow degaanada lagu herdamayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu mar kale ka dhax Qarxay ciidamada Somaliland iyo Puntland.

"Waxaa ka bilaawday deegaanka dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxaana maalmahan la hadal hayey in dagaal labaad oo meeshan ka dhaci doono, illaa hada 40 daqiiqo waa socotaa in ay sii xoogaysato maahaane ma yaraanayso" sidaa waxaa telefoonka noogu sheegay Saleebaan Maxamuud oo jooga Boocame oo ilaa 15Km dhinac koonfur bari kaga quman halka dagaalku kadhacayo.

Wixii ka soo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood