4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Ururka Al-shabaab oo beeniyay in uu geeriyooday hogaamiyahoodii Abu Cubeyda

 

Arbaco, June, 27, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in uu geeriyooday hogaamiyahoodii Axmed Diiriye Abu-Cubeyda sida ay baahiyeen saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in wararka sheegaya in Axmed Diiriye uu geeriyooday ay yihiin been abuur oo ay buunbuuniyeen sida uu sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Warka ku saabsan in uu geeriyooday hogaamiyihii Al-shabaab ayaa waxaa xaqiijiyay oo laga soo xigtay sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaliya oo magaciisa qariyay, kaa oo sheegay in deegaan ka tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday Abu Cubeyda.

Warka arinta ku saabsan ayaa ka danbeeyay kaddib weerar todobaadyadii ugu danbeeyayba leysla dhaxmarayay oo ka hadlayay in hogaamiyaha Al-shabaab uu la xanuusanayo cudurka Kansarka.

Hasse ahaatee Al-shabaab kama aysan hadal xitaa warkan ku saabsan xannuunka la sheegay in uu la soo darsay hogaamiyahooda.

Axmed Diiriye Abu Cubeyda ayaa noqday hoggaamiyaha Al Shabab kaddib markii Mareykanka uu duqayn cirka ah ku dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay ee Axmed Godane.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]