4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Qarax ciidamada dowladda lagula eegtay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya lagula eegtay meel wax-yar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay in Qarax oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo la socday gaari kuwa dagaalka ah ay ku geeriyoodeen saddex Askari oo mid ka mid ah auu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Danab kaa oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Cabdi Saciid.

Sidoo kale maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan in ay ku dhaawacmeen ilaa Lix askari, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

“Meel Wanlaweyn ku dhaw ayaa qarax ka dhacay Saddex Askari oo mid uu yahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Danab oo dhawaan la dalacsiiyay, Lix askari oo kalena way ku dhaawacmeen, waxaa socda baaritaano ay wadaan ciidamada, waxaana lagu daba jiraa raggii falkan ka dambeeyay.” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye, iyaga oo halkaa ku gubay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada midowga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]