Jabuuti oo looga dabaal-dagay 27 Jun oo ku beegan waqtigii ay ka xuroobeen gumeystihii Faransiiska
Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) - Dalka Jabuutii xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanad guuradii
41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii
Faransiiska.
Fantisyo kala duwan oo loogu dabaal
degayay 27-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka
Jabuuti, waxaana isugu soo baxay dadeyne fara badan.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyo ku
aaddan sannad guurada 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay
gumeystihii Faransiiska u diray shacabka dalkiisa.
Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in masuuliyad
weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Jabuuti ah xaqiijinta hiigsiga soo
jireenka ah ee ku qotoma Jabuuti xor ah oo mideysan.
Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada
Jabuuti ayaa sheegay in maalinkan ay aad ugu faraxsan yihiin, waxayna
tilmaameen in dalkooda uu horey u sii socon doono.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
ayaa laba maalmood kahor gaaray dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo Munaasabadda
lagu xusayo 27-ka Juun.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]