4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2018
Maxaa ka jira in uu geeriyooday Hogaamiyihii Al-shabaab Abu Cubeyda

 

Arbaco, June, 27. 2018 (HOL) – Sida Idaacada VOA uu u sheegay sarkaal ka gaabsaday magaciisa kana tirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Isniintii aynu soo dhaafnay deegaan ka tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday hogaamiyihii ururka Al-shabaab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda)

Marka laga soo tago warka laga soo xigtay sarkaalkan ka tirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ma jirto cid kale oo madax-bannaan oo warkan xaqiijisay, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegaya in uu xannuunsanayo hogaamiyaha.

Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]