4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2018
Hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka

 

Jimco, June, 22, 2018 (HOL)- Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku dileen horjoogihii  Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi Yare ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in Sarkaalkan oo  magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay deegaan ku dhow Araare.

Sarkaalkan ayaa u qaabbilsanaa kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab in uu lacagaha iyo xoolaha si khasab ah ugu qaado shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay saanad ciidan iyo hub u badan qoryaha fudud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]