3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2018
Doorashada madaxtnimada oo Axada ka dhaceysa dalka Turkiga

 

Jimco, June, 22, 2018 (HOL) - Ninka ugu cadcad dadka madaxweynaha Turkiga kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa fagaare dad badani iskugu soo baxeen kala hadlay taageerayaashiisa magaalada xeebta ku taal ee Izmir.

Muharrem Ince, oo ah hogaamiyaha xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga Shacabka ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan nin daalay, gooni socod ah oo keligii qummane ah, waxaanu mar labaad ku celiyey ballan qaadkiisii ahaa in uu dalka ka qaadi doono xaaladda deg degga ah ee labada sanadood ah ee dalka la saaray.

Lama xaqiijin karo in ay dhab tahay sheegashada dadkii isku soo baxay ee ah in tirda dadku gaadhaysay laba milyan iyo badh, laakiin waxa muuqatay in dad badani iskugu soo baxeen xeelliga badda.

Erdogan ayaa loo badinayaa in uu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada laakiin Ince ayaa ku rajo wayn in ay wareeg labaad isla gaadhi doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/22/2018 10:21 AM EST
Jimco, June, 22, 2018 (HOL)-Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku dileen horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

6/22/2018 7:22 AM EST
Jimco, June, 22, 2018 (HOL)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

6/22/2018 7:08 AM EST
Jimco, June, 22, 2018 (HOL)-Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya ayaa shalay oo Khamiis ahayd badbaadiyay Laba Doomood oo ay saarnaayeen 301 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, xilli ay ku guda jireen howlo gaafmeer ah.

6/22/2018 6:11 AM EST
Jimco, June, 22, 2018 (HOL)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay sedex nin oo ku eedeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geysteen dilal.

6/22/2018 2:44 AM EST
Jimco, June, 22, 2018(HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay hawlgal ka dhacay deegaanka Kanaane oo hoos-yimaada degmada Diinsoor in ay ku dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

6/22/2018 2:15 AM EST
Jimco, June, 22, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaas oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.