Jimco, June, 22, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka
qeybgalay Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaas oo lagu
dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.
Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo
nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit
iyo Madaxweyne K/xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay
dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.
Madaxweynaha oo shirka kaddib kulan gaar ah la
yeeshay dhiggiisa South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay
labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab
taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta
iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga
faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.
“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka
barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu
tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo
kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo
horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka
jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso
xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.
Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo
Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada,
waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu
qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]