4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Suldan Garaase "Wafdiga Soomaaliland waxaan u sheegnay in aan wadahadal laga gali karin arrinta Tukaraq

 

Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah isimadda Puntland.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimadda Puntland ee la kulmay wafdiga ayaa sheegay inay ku wargeliyeen arrinta Tukaraq inan wada-hadal laga gali karin inta ay ku suganyihiin ciidamada Soomaaliland, wuxuu ka hor-yimid go'aamo nabadeed wafdiga inay kala tageen Garoowe.

"Wafdigan iyagaa noogu yimid Garoowe, markan wareysanay waxay noo sheegeen nabadeyn inay u socdaan.. sidii uu ahaa dhaqanka Soomaalida in maxaabiis la isku celiyo waan soo dhaweynay.. waxaanse u sheegney arrinta Tukaraq wax wadahalka inan laga-gali karin inta ay joogaan ciidanka Soomaaliland." ayuu yiri Suldan Garaase .

Gabagabadii, wuxuu caddeeyay Suldan Garaase xalka xiisada gobolka Sool ee Puntland iyo Soomaaliland inuu ku imaan karo marka ciidamada Soomaaliland ay isaga baxeen illaa deegaan Labida, isagoo marka xaqiijiyay go'aanka isimadda iyo dowladda inuu yahay wadahadal inan la-galin inta ay ciidamada Soomaaliland deegaannada ku suganyihiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online