4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2018
Eritrea oo dib u furaneysa safaaradeedii Addis Ababa


Isniin,  July, 16, 2018 (HOL) – Waa isku soo dhawaasho iyo xiriir mar kale dib loo yagleelayo oo dhaxmara labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo ka badan 20 sano ay dhax taallay colaad  galaafatay nolasha dad badan oo ka soo kala jeeda labada dal, kaddib markii dib boorka looga jafay safaaraddii Eritrea e magaalada Addis Ababa.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay isla gudaha safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha dalka Eritrea, waxaana safaaradda ka muuqda guud ahaan marka la eego dayac iyo dar-yeelaan muddo dheer soo daashatay.

Gadiidka iyo agabka guud ahaan saafaradda dhax yiilay waxaa dusha sare ka buuxiyay boor sawir guud ka bixinaya sidda ay muddo dheerba loogu shaqeyn.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa markii la doortayba tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa in meesha laga saaro colaada labada dowladood dib-na loo soo celiyo cilaaqaadkii siyaasiga iyo daris –wanaaga ahaa muddo dheerba ka soo dhaxeeyay labada dowladood, taasoo dhinaca kalana caalamku siweyn u soo dhaweeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]