Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Norway
ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku
biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo
kale.
Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka
qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u
fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen
dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo
tayadiisa.
“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka
Diblomaasiga ah ee Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa
baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo
Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bisha Agoosto
kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.
“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee
aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka
France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu
dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya
uusan wax ka beddelaynin shuruudaha dal ku galka Norway” ayuu safiirka
hadalkiisa ku daray.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise
Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay
sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka
iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato
baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo
sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.
“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012
ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay
dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay
bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu
hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Abuukar
Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway,
isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la
wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii
billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay
baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa
la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii
badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]