3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2018
Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay arrimaha Xajka

 

Jimco, July, 13, 2018 (HOL) - Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda, isaga oo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay arrimo ay ka midyihiin safarka Xujayda Soomaalida ay ku tagayaan dhulka Barakaysan iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo la mid ah kuwa ay helaan xujayda wadamada kale ka imaanaya.

Wasiir Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo shirkadaha diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.

“Waxaan rajeyneynaa arrimaha xujeyda Todobaadkan inaan si hufan u dhameyno, waxaan kulamo la yeelanay masuuliyiinta dowladda Sacuudiga, xujeyda lacagihii laga qaadi jiray hada waan soo yareynay, maalinta Axada ah ayan gudbin doonaa jadwalka Duulimaadyada xujeyda, waxaan la mid nahay wadamada asaageena ah.” Ayuu yiri Wasiir Askhir.

Dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa sheegay in aysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday dowladda ee la xariiray in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, wuxuuna xusay wasiirka in haatan Qofkii xajinaya laga qaadayo lacag dhan 3,300$, halka markii hore laga qaadi jiray qofkii 3,850$.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/13/2018 12:24 PM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo kale.

7/13/2018 10:13 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Fatuma Axmed ayaa maanta loo dhaariyay haweeneeydii ugu horeysay oo daraja Janaraal ka gaarta ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya.

7/13/2018 10:05 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

7/13/2018 7:56 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay sababtay ay Jubbaland...

7/13/2018 6:55 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Warar goor dhaw naga soo gaaray dulleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen Sheekh Cabdullaahi Maxamed Roobe oo da’diisa lagu sheegay 85 sano jir.

7/13/2018 4:48 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wafdigan oo uu horkacayay taliyaha cusub ee saldhigga qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo Sarreeye Guuto Cali Bogmadoow ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

7/13/2018 2:32 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u howlgalin doonto xiryihii waaa-weynaa ciidamadu lahaan jireen, gaar ahaan xerada Hiil-Weyne oo ku taala dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

7/13/2018 2:16 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL)–Taliska hay’adda Nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Aadan Hudow Cabdi.

7/13/2018 1:08 AM EST
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa u soo jeediyay Ururrada Mucaaradka ah in ay nabada qaataan, iyaga oo ka faa’ideysanaya isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan ka hana-qaaday dalka Itoobiya.