Jimco, July, 13, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya
ayaa sheegtay in ay dib u howlgalin doonto xiryihii waaa-weynaa ciidamadu
lahaan jireen, gaar ahaan xerada Hiil-Weyne oo ku taala dulleedka degmada
Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya
Maxamed Cali Xassan oo uu wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
ayaa kormeer ku tagay xerada, iyaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiil
ciidan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan
xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan
xuquuqda ciidamada dib-na u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.
Dhinaca kale taliyaha ciidamada xoogga dalka
Soomaliyeed Cabdi Wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin
sida uu hadalka u dhigay ciidamada caadeystay in ay dhibaateeyaan Shacabka.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyeyaasha
ciidamada iyo xubnaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa maalmihii dambe
koormeer ay ku sameynayay xarumihii ciidamada ee gobolada dalka iyo duleedka
Muqdisho.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]