3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Qaramada Midoobey : 12 Kun oo Qof ayaa ku barakacay dagaalka Tukaraq


 

Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.

“Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed wali waxaa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay’adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxan ugu baaqayaa dhinacyada inay aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale” ayuu yiri Peter De Clerk.

Sidoo kale Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rayid.

“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan karta xaalad halis ah” ayuu markale yiri Mr. De Clerk oo la hadlay VOA-da.

Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan aheyn mid rasmi ah.

Dalal iyo hey’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 















Click here
7/1/2018 1:26 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.

7/1/2018 9:57 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

7/1/2018 8:24 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda Soomaaliya.

7/1/2018 5:20 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.

7/1/2018 4:28 AM EST
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi gobolada Maraykanka iyo Canada.

7/1/2018 3:17 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

7/1/2018 2:23 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

7/1/2018 2:15 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.

7/1/2018 2:00 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.