4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Farmaajo : Al-shabaab iyo ISIS waxey u dhaqmaa gumeystihii oo kale

 

Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Al-shabaab iyo Daacish u dhaqmaan sidii gumeytihii oo kale iyaga oo adeegsanaya Qabiil iyo in ay bulshada iska horkeenaan.

‘’Al-shabaab iyo ISIS waxaa ay adeegsadaan habkii uu gumeystuhu adeegsan jiray, waxaa ay iska horkeenaan bulshada, waxaa ay adeegsadaan Qabiil, waxey leeyihiin oo ay sameysteen nabadoonno, iyaga oo raba in ay bulshada iska horkneenaan, shacabka Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay in ay dib u soo ceshadaan xoriyadoodii, waayo qofka haddii uu ka walwalayo sidee ayaa gurigaada ku tagtaa xor ma’aha’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu xusay madaxweynaha in dadka Soomaaliyeed aysan xor aheyn maadaama ay jirto cabsi weyn oo ay ka qabaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay ka shaqeyn doonto sidii dib loogu soo celin lahaa nabaddii iyo horumarkii lagu yaqaanay Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta Daacish iyo sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan Soomaaliya,kuwaasoo inta badan weeraro ku qaada ciidamada dowladda iyo Goobaha ay dowladda maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]