3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Madaxda sare ee dalka oo ka qeybgashay xalay xuska munaasabada 1da Luulyo

 


Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/1/2018 3:08 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

7/1/2018 1:26 PM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL)-Shir uga socday beel ka mid ah beelaha Somaliland deegaanka Buurta Gacan libaax ee gobolka Saaxil ayaa maanta la soo gabogabeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo.

7/1/2018 9:57 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

7/1/2018 8:24 AM EST
Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-shabaab iyo Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ee Daacish in ay dhibaatooyin badan ay ka waddaan Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah madaxbaanidda Soomaaliya.

7/1/2018 5:20 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.

7/1/2018 4:28 AM EST
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi gobolada Maraykanka iyo Canada.

7/1/2018 3:17 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

7/1/2018 2:23 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

7/1/2018 2:15 AM EST
Axad, July , 01, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.