4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul



Sabti, July, 01, 2018 (HOL) Ciyaaraha Todobaadka  Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaan  ayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimi  gobolada Maraykanka iyo Canada.


Madaxa Ciyaarahaan soo qabanqaabinayey naadiga West Banka, Tababare Axmed Ismaaciil ayaa HOL u sheegay inay ugu talagaleen ciyaarahaan inay is dhexgal uga sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool goboladda dalkaan Maraykanka dhexdoodana  ka abuurno walaalnimo, iyagoo aan isku keeno todobaadka Soomaalidu meel ay jooganba ay xusaan 26 Juun iyo 1 Luuliyo ah maalmihii xoriyada Dalkeena waana barnaamij aan joogteen doono iyadoo sanadkaan uu yahay kii 3aad ee aan qabanaayo ayuu yiri axmed Ismaaciil.




Ciyaartii ugu adkeed ee shalay dhacday ayaa dhexmartay Kooxaha TC Starts oo Minnesota ka dhisan iyo Kentucky United waxaana ay ku dhamaatay barbar dhac 1 iyo 1


Ciyaartii kale ee xiisaha laheed ayaa aheed koox ka timi Vancuver Canada oo 2 iyo 0 ugu awood sheegatay kooxda Iowa oo gool la’aan garoonka kala hoyatay.


Ciyaartii Shalay dhexmartay Kooxaha TC stars iyo Kentacky ayaa waxaa loo dhigay Koob lagu Xusaayey Gudoomiyahii hore ee Isboortiga Minnesota Cabdi Cali oo dhawaan ku geeryooday Kenya waxaana Koobkii rigoore ku qaatay kooxdii Kentacky, walow ay ciyaartii caadiga aheed ee tartanka barbar dhac ay Tahay.


Ciyaarahaan ayaa ka  socon doona  Jaamacada St Thomas oo ku yaal Magaalada St Paul ilaa Maalinta bishaan Luuliyo ay tahay 7 oo la soo gabagabeen doono.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN