4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Dowladda Soomaaliya oo shirkad siineyn-sa malaayiin dollar si looga qaado cunaqabateynta uu Mareykanku ku soo rogay

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa dhamaadka sanadkan ku bixin doonta lacag dhan Sh40 million ($400,000) oo dollar howlgalinta shaqaaleysiinta shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group (SPG) taa oo ka shaqeyn doonta sidii uu Mareykanka cunaqabateynta uga qaadi lahaa ciidamada qalab-ka sida ee Soomaaliya.

Heshiiska dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo shirkadda waxaa horaantii bishan kala saxiixday Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan iyo Ninka lagu magacaabo Christian Bourge, agaasimaha shirkadda.

Ma’aha oo kaliya waxyaabaha ay shirkadda-ni u xil saaran tahay qaadista cunaqabateynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee xitaa waxaa ay ka shaqeyn doontaa sidii uu maamulka madaxweyne Trump uu xayiraada uga qaadi lahaa Soomaalida doonaya in ay gallaan dalka Mareykan-ka, madaama ay Soomaaliya ka mid tahay dalal horay looga mamnuucay in dadkoodu u soo socdaalaan dalka Mareykanka.

Sanadkii hore ayuu ahaa markii uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu joojiyay dhaqaalihii iyo sahaydii uu ku kaalmeyn jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kaddib markii ay ka war-heleen in kaalmadaasi loo maamulay si aan habooneyn [La musuq-maasuqay]

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ku jira in shirkaddu ka shaqeyso islamaraana u fududeyso madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasho la xiriirta arrimahan in uu ku tago mustaqbalka Mareykanka.

Bil walba dowladda Soomaaliya ayaa shirkadda siin doonta lacag dhan Sh10, million ($100,000) , iyadoo shirkadda looga fadhiyo wanaajinta sawirka guud waqtigan laga heysto Soomaaliya dhinaca Mareykanka.

Sidoo kale shirkadda ayaa mustaqbalka u ololeyn doonta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyadoo arintan kala hadli doonta World Bank iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]