4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Dhalinyaro goor dhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Koox bastoolado ku hubeysnaa ayaa goor dhaw ku toogtay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho labo ruux oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjogayaal ahaa.

Labada qof ee la dilay ayaa markii danbe waxaa goobta meydkooda ka qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray halka ay toogashada ka dhacday.

Isgoyska suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa waayadii ugu danbeeyay bartilmaameed u ahaa dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo la tuhusan yahay in ay k tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Lama oga sababta dilkan labad dhalinyarada ah ee goor dhaw dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]