4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug oo maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul-Axda

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaray degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guri-Ceel ayaa sheegaya in maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul-Axda oo siweyn looga dabaal-degay guud ahaanba dunida muslim-ka maalintii shalay.

Wariye ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud oo la hadlay Hiiraan Online laakiin magaciisa codsaday in aan la shaacin ayaa sheegay in qeybo badan oo ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Galmudug aan laga ciidin maalintii shalay, hasse ahaatee maanta oo Arbaco ah leysugu soo baxay Masaajidda waaweyn si loogu Ooga Salaada Ciidda.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug oo hoos ula ciiday maalintii shalay qeybaha kale ee dalka, iyaga oo dhinaca kalana ka cabsi qaba maamulka ka jira deegaan-ka oo shalay ay u aheyd maalinta Sagaalaad bisha Carrafo.

Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay laga maq-layay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida, waxaana dadka tukashada Salaada kala qeyb-galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Deegaannada gobollada dhexe gaar ahaa gobolka Galguduud ma’aha wax cusub in ay ku qilaafaan dalka intiisa kale munaasabadaha waa-weyn ee Ciidda, iyaga cus-kanaya kaliya in lagu go’aan qaadan karo aragtida bisha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]