4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 5 , 2017
Bandhig Faneed uu Aar Maanta ku qaban lahaa Minnesota oo la joojiyay, sababo la xiriira Visaha dal ku galka oo loo diiday


Khamiis, October, 05, 2017 (HOL) –Xarunta Dhaqanka iyo Fanka ee Cedar Cultural oo ay ku midaysan-yihiin dhowr jaamacadood oo ku yaala Minnesota, isla markaana ay xubno ka yihiin kooxaha fanka ,iyo jilayaal caan ah ayaa sheegtay in Viisaha dal ku gal loo diiday Fanaanka Somaliyeed ee Aar Maanta oo dagan magaalada London

Kooxda uu ka tirsan-yahay Aar Maanta ee Urban Nomads ayaa sida uu qorshuhu ahaa bandhig faneed loogu magac daray Midnimo ku qaban lahaa Minisota ,waana qofka kaliya ee ka soo jeeda Somalia ee hadana muslimka ah.

Afartii bishan oo ku beegnayd shalay oo Arbaco ahayd ayaa la soo saaray dal ku galka afarta qof ee kale ee kooxda ka tirsan ,iyada oo kaliya laga reebay Aar Maanta ,waxaana sida la sheegay codsigiisa visaha la dul-dhigay xanibaad iyo baartinaano dheeri ah.

“Waan ka argagaxay in gooni la ii soocay , isla markaana hayb sooc ay igu samaysay qunsuliyad-da. Sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah in sharciga xakamaynaya in musliminta ay soo gali karaan Maraykanka uu samayn ku yeeshay dad badan oo aniga iga baahi badnaan kara “ ayuu yiri Aar Maanta.

“Runtii waa arin niyad jab nagu wada keentay aniga iyo waliba kooxdayda ,waayo shaqo aan soo wadnay muddo bilooyin ah ayaan weynay “ ayuu mar kale yiri Fanaankan oo kamid ah kuwa loogu jecel-yahay xiligan casriga ah.

 

Xarunta Dhaqanka ee Cedar ayaa laba jeer oo hore marti-galisay bandhig faneed ay qabatay kooxda Aar Maanta ,waxaana booqashadiisi ugu horeysay ay ahayd sanadkii 2012-ka ,markaasi oo Soomali badan ay isugu yimaadeen show-giisa.

Aar-Maanta oo sidoo kale ah abwaan heesaha qora ayaa xiligaas qabtay tababar ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka oo ay ka soo qayb-galeen dad isugu jiray Soomaali iyo ajaanib gaaraya 250 qof ,waxaana safarkaasi uu ahaa sida la sheegay mid Somali badan isku xiray oo guul ku soo dhamaaday.

Booqashadiisi labaad ee uu Maraykanka ku tago ayaa ahayd mid qaadatay muddo laba asbuuc ah ,waxaana bandhig faneedkii uu xiligaas qabtay oo ay ahayd sanadkii 2015-kii ka soo qayb-galay dad kor u dhaafayay 700 oo qof oo da’ kasta leh.

Madaxa mashruuca Midnimo oo ah mid loogu tala-galay in uu kobciyo fahanka dhaqanka ee Soomaalida ,iyada oo la adeegsanayo heesaha iyo muyuusiga Faadumo Ibraahim ayaa sheegtay in xaruntooda Cedar ay horey u soo arkeen caqabado dhinac Visaha ah ,ayna ku adkaatay marar ka qaar in fanaaninta Somaliyeed ay bandhig ku qabtaan Minnisota.

“Arintan waxa ay tusaale u tahay sida xanibaad-da safarka ee Maraykanka ay u xadidayso codadka fanaaninta iyo xor-nimada qofka . Imaanshaha Aar maanta ee Minnesota waxa ay rajo u ahayd dhamaan bulshada Somaaliyeed ee halkan dagan oo u baahnaa fankiisa” ayey tiri Faadumo.

Mashruuca Midnimo ayaa sanadkii hore gaaray Mankato iyo St. Cloud oo Somali badan ay hadda u guureen ,waxaana  taasi ay sii kordhisay baahida loo qabo in la xoojiyo fahanka dhaqanka ee Soomaalida Maraykanka ku nool.

Bandhig-gan  baaqday ayaa fursad u siin lahaa Soomaalida iyo ajaanibta ay la dagan-yihiin in ay is dhex-gal dheeri ah sameeyaan ,iyaga oo si wada jira ah uga qayb-qaadanaya bandhig-ga la joojiyay.

Ugu danbayn, Dr . Jameel Haque oo ka tirsan jaamacadda Minnisota ayaa sheegay in magaalada Mankato ay u diyaar-garoobaysay marti-galinta Aar-Maanta , isla maarkaana ardayda jaamacad-da ay muddo laba asbuuc ah lahaayeen wada tashiyo ku saabsan u diyaar-garowga Booqashada Fanaanka, xili bandhigan uu isu keeni lahaa dad kala haysta diimaha Islaamka , Judhiisimka iyo waliba kirisitanka.

Faysal M. Hassan
[email protected]