Gollaha wasiirada oo xilkii ka qaaday xisaabiyihii guud ee Qaranka

 

Khamiis, October, 05, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirada ayaa shirkoodii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay xilka uga qaadeen xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin oo loo yaqaano Siraaji.

Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada oo goor dhaw soo dhamaaday ayaa waxaa xilka looga qaaday xisaabiyaha guud, waxaana lagu magacaabay xisaabiye guud oo cusub.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa loo magacaabay Faadumo Cusmaan Faarax oo horay ug soo shaqeysay Bankiga Dhexe Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa siweyn loo hadal hayay xil ka qaadista xisaabiyaha guud, iyadoo horay sidan oo kale kulan ay yeesheen gollaha wasiirada xilka looga qaaday hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Nuur Faarax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]