Shabeel dad ku dhibaateeyay Wanla-weyn oo markii danbe la dilay

 

Khamiis, October, 05, 2017 (HOL) -Shabeelkan la dilay ayaa la sheegay in uu 7 ruux ku dhaawacay degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose kaddib markii uu weerar ku soo qaaday.

Cabdifitaax Xaaji Cabdalla oo ka mid ah maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dadka uu Shabeelkan dhaawacay ka mid ahaayeen carruur kaddib markii uu ku weeraray xaafadda Canoole oo ka tirsan degmada Wanla-weyn.

Dadka degmada ayuu sheegay in markii danbe ay Shabeelka ku weerareen meel dibada ka ah degmada iyaga oo halkaa ku dilay kaddibna keenay gudaha degmada si ay dadku u arkaan ugana yaraado walwalka ay ka qabeen.

Aintaa Shabeelka ku saabsan ayaa la sheegay in ay hadal heyn badan ka dhax abuurtay dadka reer Wanla-weyn.

Shabeelka iyo Libaaxa ayeey dhif naadir ah in lagu dhax arko inta badan meelaha dadku ku badan yihiin ama magaalooyinka, 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]