Khamiis, Octobar,05, 2017 (HOL)- Lix dal oo reer Yurub ah iyo Midowga Yurub ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi iyo xukuumadda, kuwaas oo kala hadlayey arrimaha doorashooyinka dhowaan ka dhici doonno Somaliland.
Shirkan ay la yeesheen saddexda xisbi waxa uu ka dhacay Hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halka ay madaxweynahana kula kulmeen xafiiskiisa, waxaanay ku adkeeyeen in doorashada soo socota loo baahan yahay in ay ku dhacdo si xor oo xalaal ah.
“Somaliland waa dal ka soo kabtay cadaadis, colaado iyo dagaallo ummadooda lagula kacay, kuwaasoo soo taxnaa sannadihii 80-nadii ilaa 90-shanadii. Somaliland waa dal ku guulaystay inuu dhiso qaran ku qotoma nabad, xasilooni iyo hannaan dimuqraadi oo dhab ah. Geedi socodka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hana-qaaday Dalkayaga waa mid si dhab ah uga ka go’an Shacabka Somaliland. Taasina waxaa markhaati cad u ah doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, kuwaasoo dhammaantood ku dhacay sifo dimuqraadi, hoggaanka dalkana loola kala wareegay isu-hanayn, niyadsami iyo isu hambalyayn. Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay iyo Komishanka Doorashooyinkaba waxa ka go’an qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasoo u muddaysan 13.11.2017.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynuhu waxa uu qaadhaanbixiyeyaasha caalamiga ah usheegay in doorashaddu aanay cidi ku qasbin ee iyagu garteen inay dalkoodda ka dhigaan dimuqraadi, waxaanu yidhi“Waxaan jecelahay inaan halkan idiinku caddeeyo in Qabsoomidda doorashadu aanay ahayn mid ay dabada ka riixayaan ama ay nagu qasbayaan Waddamada aad matashaan iyo Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada, laakiin waa mid aanu annagu rabno oo naga go’an. Ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda dantayada ayaa ku jirta, waana saldhigga nabadda iyo hurumarka dalkayaga ka hana qaaday oo ah astaamaha wacan ee Somaliland lagu tilmaansado.”
“Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay waxay qaaday tallaabo kasta oo suurto galinaysa inay dalka ka qabsoonto Doorasho Madaxtooyo oo Xor iyo Xalaal ah, anagoo kafaalo qaadnay wixii kharash ah ee hawshaa ku baxaya. Dhinaca kale, hawl-wadeenada Xukuumadda waxaan awaamiir adag ku siiyey in ay juhdi iyo dedaal badan geliyaan gudashada xilka kaga beegan meel marinta qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh, taasina waxaa tusaale wacan u ah Digreetooyinkii aan soo saaray ee khuseeyey: Reebbanaanta u adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo fagaarayaasha wakhtiga Ololaha Doorashada iyo Gacan siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”ayuu yidhi
Kulankaasi waxa iyaguna dhinacooda ka hadlay Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxana haddallo soo jeediyey: Safiirka Midowga Yurub-EU Ms Veronique Lorenzo); Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen); Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland (Mrs. Rosie Tapper). Saddexdan Danjire iyagoo ku hadlaya magaca weftiga waxay dhammaantood ka hadleen qaabka loo waddo doorashadda oo ay ku tilmaameen mid muhiim ah.
Saddexdan Danjire waxay sheegay in muddo gaaban hawlo suurtogalinaya inay doorashaddo dhacdo la qaaday, waxaanay tilmaameen in la dhammaystiray dhammaanba Kaabayaashii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada sida dhammaystirka Diwaangelinta Codbixyeyaasha, qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha, Bixinta kharshkii Komishanku ku hawl galayey, diyaarinta Agabkii lagu galayey Doorashada iyo Diwaaangelinta u tartamayaasha jagada Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka.
Weftigan waxay carabka ku adkeeyeen sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah, taas oo ku dhacda si nabadgalyo ah.
Weftigu wuxuu ka koobnaa Safaaradaha 6 Waddan oo ka mid ah Midowga Yurub (EU) iyo Dalka Ingiriiska-UK kuwaasoo u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, fadhigooduna yahay magaalada Nairobi. Weftigaasi waxa ka mid ahaa:
1. Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Veronique Lorenzo);
2. Safiirka Dalka Denmark (Ms. Mette Knudsen);
3. Safiir-xigeenka Dalka Holland (Tijmen Rooseboom),
4. Madaxa Dawladda Ingiriiska ee u qaabilsan Somaliland (Mrs. Rosie Tapper);
5. Qusulka Safaaradda Faransiiska (Mr. Emmanuel Dagron);
6. Wefti dhawr Xubnood ah oo matalayey Dawladda Finland ;
7. La-taliyaha Maamulka ee Hay’adda Iskaashiga Caalamiga dalka UK DFID (DfID Governance Adviser, Angus Miller)
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.