Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii Pizza House

/images/2017/jun/ 
Khamiis, June, 15, 2017 (HOL)- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab xalay ay ku qaadeen makhaayadda Pizza House ee magaalladda Muqdishu.

"Mar labaad, argagixisada, ayaa si fuleynimo ah u beegsaday dad shacab ah oo makhaayad ku sugnaa, iyaga oo adeegsanaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaasi ay ku dileen kuna dhaaweceen dad rayid ah”, ayuu yiri Ambassador Madeira.

Dhinaca kale waxaa uu ku baaqay in si deg-deg ah ay ciidamada ammaanka uga jawaabaan ama ay uga hortagaan in dhibaato kale aysan dhicin oo qof kale naftiisa ku weyn karo.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlayay weerarka, waxaana uu yiri “Dadkaasi waxaa ay ahaayeen dad shuhada ah oo bil soon ah la dilay, waliba xili ay faraxsanaayeen waa in laga murugoodo, in bil Ramadaan ah waliba 10-kii dambe lagu jiro in dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan la laayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayada Pizza House.

Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia