Khamiis, June, 15, 2017 (HOL)- Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay duleedka Koonfureed ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida goobjoogayaal ay sheegeen.
Ciidanka la weeraray ayaa la socday gaari nooca Cabdi Bilaha ah, waxaana ay ku dheceen qarax dhulka lagu aasay, sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta.
Qarax kadib, ayaa waxaa lasoo wariyay in iska hor imaad kooban uu dhex maray koox hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Askari ka tirsan dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeryooday qaraxa, halka tira kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyo sida xaaladda ay tahay.
Dhinaca kale Talaaladii lasoo dhaafay Al Shabaab ayaa madaafiic xooggan ku weeraray saldhigyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha dhexe.
Dadka degaanka ayaa sheegay madaafiicda in lagu tuuray saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Biya-cadde ee Shabeellaha dhexe.
Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia