Wasaaradda amniga oo ka hadashay weerarkii xalay ee maqaayada Pizza House

 

Khamiis, June, 15, 2017 (HOL) - Laamaha ammaanka dowladda federalka Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Koox ka tirsanaa Al- Shabaab xalay fiidkii ay ku qaadeen Hotelka Pizza House oo ku yaal degmada Hodan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud Carab ayaa Warbaahinta u sheegay tirada dhimashada dadka in ay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jireen 7 gabdhood oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka weerarka ay ku qaadeen ururka Al -shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay dhaawaca dadka shacabka ah soo gaaray in ay gaarayaan illaa 19 ruux, waxaa uu sheegay inaysan jirin cid dowladda ka tirsan oo halkaasi joogtay ama bartilaameedka uu ahaa, balse Al-Shabaab ay bartilmaamedsanayeen dadka rayidka ah.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka dadka shacabka ah in laga doonaayo in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab.

Afhayeenka ma uusan sheegin tirada ragga weerarka soo qaaday ee Al-shabaab ka tirsanaa, iyadoo dadka ay isweydiinayaan tirada dagaalyahanada Al-shabaabka ee weerarka soo qaaday, balse warbaahinta ayaa hadal haysa 5 illaa 6 ruux inay ahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]